Thursday, December 14, 2006

Xaaji Aadan Afqalloc

Tariikh: Taqariikhdii iyo halgankii Xaaji Adan Axmed Afqallooc. Q. 1-aad (1862-1986)...
Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee, Xaaji Adan Axmed oo ku magac dheeraa Afqallooc. Wuxu ku dhashay miyiga magaalada Ceerigaabo, xilli ku beegan badhtamihii qarnigii sagaal iyo tobnaad. Waxa loo badinayaa inuu dhashay 1862-kii inkastoo aanay sugnayn gu'gii uu dhashay, balse waxa lagu qiyaasayaa sannadkaa aan kor ku xusay. Wuxuuna dhintay 1986. Halkaa waxa kaaga muuqanaysa sannadaha uu ifka ku noolaa in ay inbadan kor u dhaaftay 100-ka sannadood. Sebenadaa tirada badan Xaajigu meel keliya muu deggenayn ama deegaan kooban kumuu noolayn, ee isagoo da'yar ayuu adduunka xulay. Lug ayuu dhulka badankiisa ku soo maray. Dalalka uu isagoo yar tegey ama dhallinyaranimadiis ii waxa ka mid ahaa: ( Yemen, Suudaan, Calatariya"Ereteria ", Itoobiya, Falastiin, Afqaanistaan, Indooniisiya, Somaliya iyo Jabuuti). Waxaad halkaa ka garan kartaa inuu ahaa waaya-arag, waana halka soomaalidu ka tidhaahdo "Nimaan dhul arag dhaayo mallaha".
IH-Naxariistee, Xaaji Adan markii uu ku soo laabtay dalkiisii hooyo ee Somaliland oo markaa ku jiray gacantii maamulkii Ingisriisa, wuxuu markiiba ka qayb qaatay guubaabadii iyo kicintii dadka. Suugaantiisu inkastoo aan la ururin oo aan meel laysugu keenin, waxa la tilmaamaa inuu suugaan aad iyo aad u mugweyn ka tiriyey, guubaabadii, kicintii, abaabulkii iyo guud ahaanba halgankii lagaga soo horjeestay maamulkii Ingiriiska oo markaa ka talinayey Somaliland. Qormadan koowaad waxaan ku soo qaadan doonaa laba gabay. Gabayga hore waxa la yidhaahdaa "Gobanimo". Wuxuu guubaabinayaa dadkii Somaaliyeed ee ku jiray maamulkii boqortooyada Islaanta UK. Wuxuu lahaa gobonimada baryo laguma helo ee waa in dhiig daataa. Taasoo ku tusaysa geesinimadiisu halka ay gaadhsiisnayd. Wuxuuna yidhi:

Samaan laguma doonee xornimo waa sange u fuule
Sallax dhagax leh meyd soobir ah iyo seedo waran gooya
Soofkoo la kala qaado iyo siigo kor u duusha
Haweenkoo gambada saydha iyo sebi agoomooba
Iyo libintu waxay saran tahay suluf colaadeede.
Gobannimo sun baa kaa xigtoo laysma siin karo’e
Waa sarac ku baxa dhiig rag oo lagu sadqeeyaaye.
Samaan laguma doonee xornimo waa sange u fuule
Sallax dhagax leh meyd soobir ah iyo seedo waran gooya
Soofkoo la kala qaado iyo siigo kor u duusha
Haweenkoo gambada saydha iyo sebi agoomooba
Iyo libintu waxay saran tahay suluf colaadeede.
Gobannimo sun baa kaa xigtoo laysma siin karo’e
Waa sarac ku baxa dhiig rag oo lagu sadqeeyaaye.

No comments: