Thursday, December 14, 2006

XaajiAadan&SH Bashir

Sh Bashiir Sh Yusuf wuxu ahaa geesi, caan baxay oo si cad oo badheedh ah uga soo horjeestay maamulkii Ingiriiska. Sheekha waxa halhays u ahayd “Bisinka xoog ha lagu daro” oo uu hore u soo shirrabay. Wuxuu lahaa dadyahaw ka kaca uu dalkiina iyo ciiddiina idinkaa iska leh oo maamulan kara, iskana erya saancaddaalaha. Sidaa darteed ayuu ciidan abaabulay, wuxuuna hadh cad dagaal ku soo qaaday magaalada Burco horraantii afartamaadkii. Dagaalkaa waa lagaga xoog roonaaday Sh. Bashiir, laakiin sidaa kumuu shiiqin halgankiisii ee wuxuu u rogay dagaalka loo yaqaan “ku dhufoo ka dhaqaaq” isagoo saldhig ka dhigtay meel aan ka durugsanayn magaalada Caynabo. Markii maamulkii Ingiriisku khaatiyaan, istaagay ee hadhsan waayey, jiifi waayey, ee geedkastaba looga sanqadhay ayuu go’aansaday inuu weerar ku qaado ciidanka Sh Bashiir. Sannadkii 1947kii ayaa la dilay Sh Bashiir. Maydkiisiina waxa la keenay magaalada Burco. Hadaba Xaaji Aadan Axmed oo aad uga tiiraanyooday geerida Sh Bashiir, kana xumaaday qaabkii loo dilay geesigii ummadda ayaa gabaygan ka tiriyey. Gabaygani wuxuu canaan dusha ka saarayaa dadka oo uu leeyahay idinka ayaa la idinka arkay, ee waxay ahayd inaad ka dagaallantaan. Qaybta koowaad waxaan ku soo afmeerayaa gabaygaa uu u tiriyey Sheekh Bashiir

Duhur baa Bashiir lagu shannaday daar agtiinna ahe
Damal la hadh galaa bay jebsheen waqay dulloobaane
Dahriga iyo laabtay rasaas kaga daloosheene
Isagoo dam iyo dhiig leh oo maro ku duuduuban
Dadkii uu nebcaa iyo kufraa daawasho u yimide
Dacdarriyo dihaan iyo cag baa loogu sii daraye
Meydkiisa daahira markii dibedda loo jiidey
Nimankii dilkiisii qirtiyo idinka duunkiinna
Kolkii aaska loo diidey waad wada dul joogteene
Ma damqane jidhkiinnii markaa waad ku digateene
Nasab haddaad duriyaddii tihiin kama dareerteene.
Gobannimo daleel lagama helo daar adoo galaye
Haddaad doono leedahay naftaa diiq la geliyaaye
Waa mur iyo deebaaq waxaad dib ugu aydaaye
Marse haddaan waxaan doonayiyo dawladnimo waayey
Dantay weeye inaan aammusaa eeggan dabadeede
Dulligaa ku jira noloshu waa idinku deelqaafe.

No comments: