Thursday, December 14, 2006

Tabalaha Wakhtiga

Gabayada anu so wadno

Dadka kale qofkoodii wax tara, waa tixgeliyaane
Idinkuna caqliga taamudkaa, waa ku tumataane
Tartar baad ka dhaaftaan qofkii, toos idiin wada e’

Seben tagey mid weli soo socdiyo saaka waxa jooga
Seddexdaa waqtaa xal adduun lagu sifeeyaaye
Soo-noqodna maleh wixii saadufe tageye
Berri iyo saa-danbena waa sed kaa maqane
Waxay taladu kuu suuban tahay subaxaad joogtaay

Haddey boogi kugu taal, ninkale tiisu kaa dedane.
Haddaad adigu tuur leedihiyo, tootir iyo qaallo.
mid kaleeto inaad toosisaa waa tu aan dhicine.

Gumeystaha dadkaan ula sinneeyn soo degoo yimid ee
Wax saayid ah addoonsiga madoow kugu sameeyaa ee

Xaji Adan iyo Dowladi Afwayne

Xaaji Aadan o la Yaban xukumadi siyad bare iyo Dowladi wakhtiga jiray Gabay u Triyey waxa ku jirtay
Qaranki iyo Xorriyadi la helay wa La Qursdaye
Waxa ku Qooqay Niman aan ogayn Qaabki lo helay
Maalkaba raggi Qiirwadaw bixiyey waka Gidarada
ku Quban Qalin jabkoodiiye

X.Aadan&Gobonimo doon

Gabayganu wuxu ka mid yahay Gabayadi GobonimoDoonka u Xajigu ku gubabinayey 5 ta Somaliyed

Aboorkuba allaylkuu dhisaa aqallo waaweyne
Markuu ururay daartuu abyeybaa la ashqaraaraaye
Ilkuhu wada jirkooday hilbaha adag ku gooyaane
Haddii iniba meel taagan tahay adhax ma feenteene
Itifaaq la’aan laguma helo lib iyo iimaane
Indhaha aad isku aragtaan cadaawaha iskaga eega
Ha ordina’e xaajada sidii aydinta u raacaHa
ekaannina’e talo ninkii odhan karaw dhiibta
Abtirsiimo reer hebela’ iyo oday ku faan tuura
Indho fura hurdadu waa waxaad ku ibtilowdeene.
Indhaha isku aragtan cadawaha iskaga Eega
Olollaha ha deynina xornimo Amus lagu waaye
Imaan hadad leydhin o ad u Diriraysan
Ushad ad Sidatan iyo Madhfacu Wa siku ITaal
Arkaba Kaneca Cunto AYl la jifsadae
olalaha ha daynina xornimo Amus lagu waye

Xaji Adan iyo Dowlada

Gabaygan Xaaji adan wuxu kula hadlaya Xukumadiho hore wuxu na ku dhalilaya hormar laanta iyo Dib u Dhaca iyo Cruption ka
Sidii aar gaboobayoo ka jabay, gaabatada lowga
>Oo gabannadii lagaga dilay, geed uu hadhinaayey
>Oo nimanka godobtiisa qaba, gur u jalleecaaya
>Oo aan itaal wuxuu galiyo, orod ku gaadhaynin
>Oo kayn intuu cara la galay, gownaxyada fuuray
>Goortaan garwaaqsado dhibaha shicibka gaaraaya
>Asaan gabay arrimo dhowr ahoo, ila gudboonaaday>
Waa waxaan xabaalaha u galay, geeri ka hortoowe.
Cimrigii da' kula >gaaray>waa, guuldarriyo ciile
>Haddaan amar Allaan laga gudbine, gebi ahaan fiirsho>
Garowshiyo ku dayashaan dayaxa, gees la leeyahaye
>Isaga oo geyiga nuurayuu, guud-maraa saxale
>Ma gudhsado adduunyada ninkii, gobol ka maalaaye
>Ninna keligii gaar uma aha'e galabba waa meele
>Waagii guduutaaba waa, waayo gooniyahe
>Hadba cirirku meeshuu galuu, saxal u guuraaye
>Geyiga Aashiyoow khalqiga, gees walba u jooga
>Geddigeed Afrika iyo, Laatiin, gobol Amreekaan ah
>Gun baynu u hayn iyo addoon, guud-caddaha Yurube>
Goortii waqtigii soo gudbayoo, ferenjigii guuray
>Ragna waa guntaday qaarna waa, gebi-dhacleeyeene>
Ka gariiriye Mow dunida gaaliyo Islaane>
Tabca Miyaad malyuun baa guntada, goorta uu kacaye>
Kuwii gadan jiruu Shiinihii, haatan gaasiraye>
>Aqal guradu wayn tahay Jamaal, diid inuu galo'e
>Gasab lagu tilmaamiyo ma jiro, daar u gooniyahe
>Ma gam'o ee habeenkii taluu, gowda ku hayaaye>…
. (sadar ama laba ayaa ka maqan)>
>Kuwii doorashada noo galay baa, gabay halkoodiiye
>Khalqigii oo ****** u guuray bay dib u gucleeyeene>
Googooye Soomaali oo gobolba meel aadye
>Guryaha iyo ceelkaa dartood, laysku gowracaye
>Waataa gamaamihii bateen, goobtii lays dhigaye
>Girligaanka waxaa loo sitaa, goosankii hadhaye
>Caawana kursi aad gaadhid baa, guure loo yahaye
>Gawaaridu tollaayey! bay siddaa, guuxu baxayaaye
>Gumaystaha jidiidaa aroos, loo galbinayaaye>
Kuwii guuray baa daaqaddii, nooga soo galaye
>Waraabihii gol-qabatada yiqiin, geelii waw halise
>Goodaadsay calankii dhulkuu, gaaro waw haraye>
Haddiise geed darfuhu dheer yihiin, gooya baa xigaye>
Xiddigiis gumaysiga dhiciyo, kii gumayn jiraye>
Goblan maaha Maandeeq haddii aad, gabadin mooddeene>
Maruun bay sidii aar la ganay, gaydh la soo kiciye>
Gabbal gaabtay iyo baan arkaa,gaawe buuxsamaye>
Gardarrada qunyara xaaladdu, galabba waa cayne

Xaji Adan La hadlaya Dhalinyarada

Maansada Dhallinyarada Xaaji Aadan Afqalooc Xaaji AadanAfqalooc oo ahaa abwaan weyn ayaa gabay uu tiriyay si weyn uguladardaarmay dhallinyarada. Xaajigu waxa uu dhallinyarada utilmaamay in ay yihiin waalidkii iyo madaxdii berri sidaas darteedlooga baahan yahay in ay dedaalaan. Waxaana ka mid ahaagabayga

Hadduu geed engego xaabadaa laga idlaystaaye
* Mid yar oo iniintiisa ahbaa soo awaal baxa e
* Isagaa anfaaciga hadhkiyo oodda kaafiya e
* Dadkana odaygu goortuu ka baxo iyo islaantiisu
* Ubadkooda hadhabaa tabcoo aayatiin hela e
* Markii Aadam iyo Xaawa iyo keynta la abuuray
* Sidaasay arwaaxdiyo dhirtuba ku isiraayeene
* Umaddaan shabaabkeedu hanan waa u ayaan xuma e
* Inamiyo hablahaba waxaad tihiin aarankii kacaye
* Itaal gabe dadkiinii hore waydin aragtaane
* Idinkaa amaanada xilkii eeggan qaabilaye
* Iskaa wax u qabsada noloshu waa udub dhexaadkiiye
* Israafkiyo fadhigu waa waxaad ku anbanaysaane*
Axmaqnimo wakhtiga kaaga tagay oohin kugu reebye
* Ayaantii ku dhaaftana waa waxaan la eegayne
* Axadkii kaslaan ahi sabool abidkii weeyaane.

Xaaji Aadan&FaraxOmar

Marki Halyeygi weyna Farax Omar la xidhay Xaaji aadan o aad ugu Murugaysan Xadhigi Farax OMar Gabaygan Tiriyey inkasto an Gabaygo dhamayn

Isagoo dulmga aad qabtaan; dood ka celinaaya
Da’dii uu ahaa Faarax baa jeelka loo diraye
Loo diid dadkii uu dhaliyo duunyaduu dhaqayee

XaajiAadan&SH Bashir

Sh Bashiir Sh Yusuf wuxu ahaa geesi, caan baxay oo si cad oo badheedh ah uga soo horjeestay maamulkii Ingiriiska. Sheekha waxa halhays u ahayd “Bisinka xoog ha lagu daro” oo uu hore u soo shirrabay. Wuxuu lahaa dadyahaw ka kaca uu dalkiina iyo ciiddiina idinkaa iska leh oo maamulan kara, iskana erya saancaddaalaha. Sidaa darteed ayuu ciidan abaabulay, wuxuuna hadh cad dagaal ku soo qaaday magaalada Burco horraantii afartamaadkii. Dagaalkaa waa lagaga xoog roonaaday Sh. Bashiir, laakiin sidaa kumuu shiiqin halgankiisii ee wuxuu u rogay dagaalka loo yaqaan “ku dhufoo ka dhaqaaq” isagoo saldhig ka dhigtay meel aan ka durugsanayn magaalada Caynabo. Markii maamulkii Ingiriisku khaatiyaan, istaagay ee hadhsan waayey, jiifi waayey, ee geedkastaba looga sanqadhay ayuu go’aansaday inuu weerar ku qaado ciidanka Sh Bashiir. Sannadkii 1947kii ayaa la dilay Sh Bashiir. Maydkiisiina waxa la keenay magaalada Burco. Hadaba Xaaji Aadan Axmed oo aad uga tiiraanyooday geerida Sh Bashiir, kana xumaaday qaabkii loo dilay geesigii ummadda ayaa gabaygan ka tiriyey. Gabaygani wuxuu canaan dusha ka saarayaa dadka oo uu leeyahay idinka ayaa la idinka arkay, ee waxay ahayd inaad ka dagaallantaan. Qaybta koowaad waxaan ku soo afmeerayaa gabaygaa uu u tiriyey Sheekh Bashiir

Duhur baa Bashiir lagu shannaday daar agtiinna ahe
Damal la hadh galaa bay jebsheen waqay dulloobaane
Dahriga iyo laabtay rasaas kaga daloosheene
Isagoo dam iyo dhiig leh oo maro ku duuduuban
Dadkii uu nebcaa iyo kufraa daawasho u yimide
Dacdarriyo dihaan iyo cag baa loogu sii daraye
Meydkiisa daahira markii dibedda loo jiidey
Nimankii dilkiisii qirtiyo idinka duunkiinna
Kolkii aaska loo diidey waad wada dul joogteene
Ma damqane jidhkiinnii markaa waad ku digateene
Nasab haddaad duriyaddii tihiin kama dareerteene.
Gobannimo daleel lagama helo daar adoo galaye
Haddaad doono leedahay naftaa diiq la geliyaaye
Waa mur iyo deebaaq waxaad dib ugu aydaaye
Marse haddaan waxaan doonayiyo dawladnimo waayey
Dantay weeye inaan aammusaa eeggan dabadeede
Dulligaa ku jira noloshu waa idinku deelqaafe.

Xaaji Aadan Afqalloc

Tariikh: Taqariikhdii iyo halgankii Xaaji Adan Axmed Afqallooc. Q. 1-aad (1862-1986)...
Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee, Xaaji Adan Axmed oo ku magac dheeraa Afqallooc. Wuxu ku dhashay miyiga magaalada Ceerigaabo, xilli ku beegan badhtamihii qarnigii sagaal iyo tobnaad. Waxa loo badinayaa inuu dhashay 1862-kii inkastoo aanay sugnayn gu'gii uu dhashay, balse waxa lagu qiyaasayaa sannadkaa aan kor ku xusay. Wuxuuna dhintay 1986. Halkaa waxa kaaga muuqanaysa sannadaha uu ifka ku noolaa in ay inbadan kor u dhaaftay 100-ka sannadood. Sebenadaa tirada badan Xaajigu meel keliya muu deggenayn ama deegaan kooban kumuu noolayn, ee isagoo da'yar ayuu adduunka xulay. Lug ayuu dhulka badankiisa ku soo maray. Dalalka uu isagoo yar tegey ama dhallinyaranimadiis ii waxa ka mid ahaa: ( Yemen, Suudaan, Calatariya"Ereteria ", Itoobiya, Falastiin, Afqaanistaan, Indooniisiya, Somaliya iyo Jabuuti). Waxaad halkaa ka garan kartaa inuu ahaa waaya-arag, waana halka soomaalidu ka tidhaahdo "Nimaan dhul arag dhaayo mallaha".
IH-Naxariistee, Xaaji Adan markii uu ku soo laabtay dalkiisii hooyo ee Somaliland oo markaa ku jiray gacantii maamulkii Ingisriisa, wuxuu markiiba ka qayb qaatay guubaabadii iyo kicintii dadka. Suugaantiisu inkastoo aan la ururin oo aan meel laysugu keenin, waxa la tilmaamaa inuu suugaan aad iyo aad u mugweyn ka tiriyey, guubaabadii, kicintii, abaabulkii iyo guud ahaanba halgankii lagaga soo horjeestay maamulkii Ingiriiska oo markaa ka talinayey Somaliland. Qormadan koowaad waxaan ku soo qaadan doonaa laba gabay. Gabayga hore waxa la yidhaahdaa "Gobanimo". Wuxuu guubaabinayaa dadkii Somaaliyeed ee ku jiray maamulkii boqortooyada Islaanta UK. Wuxuu lahaa gobonimada baryo laguma helo ee waa in dhiig daataa. Taasoo ku tusaysa geesinimadiisu halka ay gaadhsiisnayd. Wuxuuna yidhi:

Samaan laguma doonee xornimo waa sange u fuule
Sallax dhagax leh meyd soobir ah iyo seedo waran gooya
Soofkoo la kala qaado iyo siigo kor u duusha
Haweenkoo gambada saydha iyo sebi agoomooba
Iyo libintu waxay saran tahay suluf colaadeede.
Gobannimo sun baa kaa xigtoo laysma siin karo’e
Waa sarac ku baxa dhiig rag oo lagu sadqeeyaaye.
Samaan laguma doonee xornimo waa sange u fuule
Sallax dhagax leh meyd soobir ah iyo seedo waran gooya
Soofkoo la kala qaado iyo siigo kor u duusha
Haweenkoo gambada saydha iyo sebi agoomooba
Iyo libintu waxay saran tahay suluf colaadeede.
Gobannimo sun baa kaa xigtoo laysma siin karo’e
Waa sarac ku baxa dhiig rag oo lagu sadqeeyaaye.